Wararka
Arbaco- November 20, 2019: Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda loo haysto eedeysane Cabdullaahi Cali Maxamed.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Qaybta Galmudug ku soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda loo haysto nin lagu soo eedeeyay inuu qayb ka ahaa dadkii gaystay Qaraxyadii iyo Weeraradii lagu qaaday 26-kii Bishii 11-aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo halkaasi lagu dilay isaga iyo 19 Qof oo ka mid ah Xirtiisa.
Cabdullaahi Cali Maxamed oo magaciisa Af-garashada uu yaxay (Maxamed) ayaa xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaa ay ku soo edeeyen in uu qeyb ka ahaa ragii xaruntaas soo weeraray.
Xeer ilaaliyaha Guud ee maxkamada Ciidamada qalabka sida ayaa Dalbaday in ninkaan lagu xukumo Dil toogasho ah oo ah qisaasta Dadkii lagu laayey weeraka ka dhacay xarunta shiiq Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.
Qareenka eedeysanah maxkamada la hor keenaya ayaa maxkamada ka codsaday in loo naxriisto Cabdulaahi isla markaana la geeyo xarumaha dhaqan celinta ee Dowlada Gacanta Ku heyso.
Uga Dambeyn waxaa maxkamada Soo xiray Godoomiyaha maxkamada Derajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo sheegay in maxkamada ay kiiskaan Go’aan ka soo saari Doonta.
Maxkamadda ciidamada oo soo gabagabeysay dhageysiga mid kamid ah raggii Qaraxyada iyo Weerrada ka geystay xarun ku taallo magaalada Gaalkacyo dabayaaqada sanadkii hore.https://youtu.be/G10ExsxIBvc
Posted by TUSMO TV on Wednesday, 20 November 2019