Wararka
(DAAWO): Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo dhalinrada Soomaaliyeed ku tilmaamay cududda ay dowlada Soomaaliya ku faanto.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada federaalka Soomaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo maanta daahfuray madasha Tiknoolijidaya Muqdisho ayaa ka hadlay muhiimada ay dhalinyarada Soomaaliyeed leeyihiin.
Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 75% wadarta guud ee Shacabka Soomaaliyeed in ay yihiin cududda iyo xoogga shaqaalaha ee dalka. Raiisal wasaare ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay rajo wanagsan leedahay isagoo dhalinyarada Soomaaliyeed kula dar daarmay in ku dadaalaan waxbarashada.
“Dhalinyarada waa cududda iyo xoogga shaqaalaha ee dalkeena. Maanta 75% shacabkeena waxaa lagu qiyaasaa in ay tahay dhalinyaro, taas micnaheedu waxay tahay, Soomaaliya rajo weyn bay leedahay , Soomaaliya Mustaqbal bay leedahay , Soomaaliya waxaa ay haysataa xoog ay ku faanto, cudud ay ku dhiirato oo ay ku hidadiilato oo ay dheertahay dunida inteeda kale” ayuu yiri Mahdi Maxamed.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada federaalka Soomaliya ayaa sidoo kale sheegay qorshaha dowlada in uu kamid yahay sisii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa Siyaasadii iyo sharuucdii suurta galin lahaa dhalinyaradu in ay muruqooda maalaan, in ay maskaxdooda maalaan iyo in ay isku tiirsadaan.
Raysal wasaare ku xigeenka dalkaayaa daah furay shirka labbaad ee tiknoolajiyada muqdisho.
Raysal wasaare ku xigeenka dalkaayaa daah furay shirka labbaad ee tiknoolajiyada muqdisho.https://youtu.be/kTwmkOErBTI
Posted by TUSMO TV on Tuesday, 19 November 2019