Wararka
Xoghayaha Abaabulka iyo wacyi gelinta xisbiga Waddani oo sheegay in ay maanta hakiyeen dibad-baxyadii ay ka wadeen Hargayso.
Xoghayaha Abaabulka iyo wacyi gelinta xisbiga Waddani Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga Waddani ayaa sheegay in xisbigu hakiyay isu soo baxyada magaalada Hargaysa laakiin, ay taageerayaasha xisbiga ee gobolladu maanta wadanayaan isu soo baxyada.
Waxa uu sheegay in baaqashada mudaaharadyada ay ka danbaysay ka dib markii Ergooyin is dabajoog ah ilaa xalay xisbiga ka codsanayeen in la hakiyo isu soo baxyada kuwaas oo ay ka mid yihiin Ganacsatada, Madaxweyne xigeennadii hore, Madasha iyo dhinacyo kale.
Magaalada Hargaysa ayaa ilaa shalay waxaa ka dhacaayay isusoobaxyo ay hor-wadeeno ka ahaayeen xisbiga Wadani kuwaas oo Boqolaal taageerayaasha xisbiga ay Isugu soo baxeen Fagaarayaasha.
Booliska Somaliland ayaa ka hadlay dhibatadii ay gaysteen Banaab-baxyaasho waxaa ayna eedeymo u soo jeediyeen Guddoomiyaha Xisbiyaga Waddana oo ay sheegeen in uu qaadan doona masuuliyada wixii ka dhacaya Magaalada Hargayso shalay.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ayaa xaqiijiyay in isusoo baxyadii shalay uu ku dhintay askari Boolis ah halka mid kalena uu ku dhaawacmay.