Wararka
Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS oo Maanta Yeeshay Kulankii 9aad ee kalfadhiga 6aad.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay Kulankii 9aad ee kalfadhiga 6aad waxaana kulanka shir-gudoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudeey iyo Guddoomiye Kugigeenka 2aad Mahad Cabdalla Cawad.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Aasaaska Hay’ad Daawada iyo Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Naqshadeynta Magaalooyinka.
Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Xildhibaan Maxamed Saciid ayaa Golaha Ka hor-Akhriyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Aasaaska Hay’adda Daawada.
Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha kuu kulanka ka hadlay ayaa sheegay Muhiimada uu leeyahay Sharciga Daawada iyo Aasaaska Hay’adda Daawada Waxaana kulanka gaba-gabadiisa soo xiray Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdi wali Ibraahim Sheikh Mudeey.