Wararka
Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay munasabad dhaarin lagu dhaarinaayay wasiiru dowlaha wasaaradda dekadaha.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu dhaarinaayay wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo).
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) u magacaabay magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland.
Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday xafiiska madaxtooyada Puntland waxaa uuna madaxweynaha wasiirka cusub kula dar-daarmay in uu shaqadiisa sida ugu dhaqsiinaha badan qabsado isagoo Alla ugu baryay in uu u fududeeyo Shaqadaan kuna Asturo.