Wararka

Shirka wadatashiga Hindise -Sharciyadeedka Shirkadaha Dalka oo ka furmay Garoowe.

Shirka wadatashiga Hindise -Sharciyadeedka Shirkadaha Dalka ayaa maanta ka furmay Maagaalada Garoowe ee caasimada Puntland kaas oo u dhaxeeya Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare wasaaradda ganacsiga dalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

Shirkaan ayaa Magaalada Garowe ka socon doona ilaa muddo laba maalin waxaana muhiimadiisa ka warbixiyay wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumada federaalka Soomaaliya Eng. C/lahi Cali Xassan waxaa uuna sheegay in sharcigaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay kor u kaca dhaqaalaha iyo diwaan galinta shirkada dalka ka shaqeeyo.

Ugu danbayn waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Axmed Cabdi Dhuxuloow ayaa isna sidoo kale sheegay in muhiimada kulankaan uu yahay in lawada-shaqeeyo sharciga shirkadaha kaas oo horyaallo Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close