Wararka

Wasiirka Beeraha oo ka hadlay Ayax uu sheegay in uu soo gaaray dalka.

Wasiirka Beeraha xukuumada federaalka Soomaaliya Saciid Xusseen Ciid oo manta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay saamaynta uu yeeshay Ayax sida uu sheegay kazoo gudbay dhanka xaduudka Itoobiya iyo Yeman.

Wasiirka ayaa xusay in deegaanada uu Ayaxa ilaa hadda uu soo gaaray ay yihiin Owdal, Sanaag, Mudug, Nugaal iyo Galgaduud waxaa uuna sheegay in uu Ayaxa Qatar ku yahay beeralayda iyo xoolalayda Soomaaliyeed isagoo qaylo dhaan u diray dowlada federaalka iyo hay’addaha ay qusayso.

Saciid Xusseen Ciid ayaa sidoo kale sheegay in ay dirayaan koox ka socota wasaaradda kuwaas oo soo qiimeeyo nooca Ayaxaan uu yahay si loogu isticmaallo suntan ku haboon ee loogu hortagi karo.

Wasiirka waxaa uu ugu danbayntii sheegay in ay warbixin u gudbiyeen Urur ka hortaga Ayaxa oo xaruntiisa ay tahay dalka Itoobiya iyo sidoo kale Hay’adda FAO qaybteeda u xilsaaran ka hortaga Ayaxa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close