Wararka
Duqa Muqdisho oo dib ugu soo laabtay dalka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Mugdisho ee caasimada dalka Soomaaliya kadib howla shaqo oo uu u joogay dalka South Africa.
Guddoomiyaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Koonfur Africa waxaa uu ka qeyb galay shirka duqa magaalooyinka Caalamka ee Global Parliament of Mayors (GPM), sidoo kale Guddoomiye Cumar Filish ayaa kulamo la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool dalka Koonfur Africa isagoo ugu warbixiyay xaalada Magaalada Mugdisho.
Duqa Muqdisho ayaa markii uu garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade soo caga dhigtay ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay madax kala duwan ee gobolka Banadir iyo ururada bulshada rayidka.