Wararka

Wasiirka Caddaaladda oo Tababar ku saabsan Hanaanka Sharci Qorista.

Wasiirka wasaaaradda caddaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya Avv. Xassan Xuseen Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka daah furay Tababar ku saabsan Hanaanka Sharci Qorista oo socon doona muddo Seddax maalin ah.

Tababarkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Shaqaalaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa Banan sida: Xafiiska Xeer illaalita Qaranka, Maamulka Gobolka Banaadir, Xafiiska Garyaqaanka Guud, Taliska Ciidanka Asluubta, Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka iyo Jaamacadaha kuyaallo Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si rasmi ah u wada furay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Avv. Xassan Xuseen Xaaji, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirka Caddaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya Abukaati Avv. Xassan Xuseen Xaaji oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay mudnaanta uu leeyahay tababarkaan sheegayna Sharciga inuu yahay Aas-aaska Doowlidnimada.

“Sida aad ugu baahan tahay amnigaada in la illaaliyo si la mid ah ayaa waxaa ugu baahan tahay sharciga inuu ku illaaliyo adna aad illaaliso” ayuu yiri Avv. Xassan Xuseen Xaaji.

No photo description available.Image may contain: 1 person, suitImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close