Wararka
(AKHRISO): Wasaaradda Qorshaynta oo soo saartay warbixinta sicirka suuqa ee October iyo September 2019.
Wasaaradda Qorshaynta iyo maalgashiga xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta sicirka suuqa ee October iyo September 2019,taas oo qeyb ka ah warbixinta bilaha ee sicirka suuqyada dalka.
Dhammaan Tusaha Sicirka Badeecadaha (TSB) bisha October 2019 ayaa noqday 116.25, marka la barbardhigo 116.07 ee bishii September 2019.
Isbedelka labada bilood u dhexeeya, October iyo September 2019 ayaa hoos u dhacu gaaray 0.15% Marka la barardhigo sare u kacii bishii hore ee September 2019 oo gaaray 0.57%.
Bisha Oktoobar, sare u kaca isbedel bille ee Qiimaha Gaadiidka lagu raaco ayaa gaaray (+2.11%). Sare ukaca ugu badan ayaa ka yimid shidaalka iyo saliida gawaarida oo gaaray (+9.01%) (Jaantus 2).
Guud ahaan, sicir bararka 12-kii bilood ee la soo dhaafay ee bisha Oktoobar 2019 ayaa muujinaya in dhammaan qeybaha TSB hoos u dhacay 4.15% ee heerka cabirka sicir bararka, Marka la barbardhigo 12 Bilood ee bishii Sebteembar 2019 oo ahaa 5.17%.