Wararka

wasiirka wasaaradda gaadiidka oo dalka Masar kaga qayn galay Shir Muhiim ah.

wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mohamed C/lahi Oomar ayaa shirka wasiirada Gaadiidka iyo duulista hawada ee dalalka Carabta kaga qayb galay dalka Masar.

shirkaan oo ah mid sanadla ah ayaa wasiirk Oomar waxaa uu ka jeediyay khudbad taabanayso dhinacyo badan oo ku aadan horumarada ay gaartay wasaaradda iyo caqabadaha horyaallo isagoo sidoo kale garab istaag u muujiyay dowlada Falastiniyiinta in laga caabiyo dhanka daqliga duulista.

wasiirka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Masar waxaa uuna kala hadlay sidii labada wasaaradood loo lamaaneen lahaa iyo sidii dib loogu soo celin lahaa kaalintii ay dowlada Masar ka qaadan jirtay dib u dhiska dalka. sidoo kale, Wasiir Oomar ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Akadamiyada culuumta Gaadiidkka isagoo ka codsaday in la siyaadiyo deeqaha waxbarasha ee ardayda Soomaaliyeed ee danaynayso barashada culuumtaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close