Wararka
Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb.
![](https://www.tusmotv.so/wp-content/uploads/2019/11/1-780x405.jpg)
Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto: Cismaan Maxamed C/Laahi Kaniif ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedlka Galmudug.
S/Guuto: Cismaan Maxamed C/Laahi Kaniif ayaa markii uu gaaray garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb waxaa soo dhaweyn Ballaaran u sameeyay Taliyaha ciidanka xogga Soomaaliyeed qaybta 21-aad Gen. C/casiis C/llaahi Qooje oo ay wehliyaan Saraakiisha talisyada ciidamada qalabka sida.
Deegaanada dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa gacan ku hayntooda la wareegay ciidamada amniga dalka oo isugu jiro kuwa Boolis ah iyo ciidanka xogga dalka waxaana la filayaa in dowlad goboleedkaasi ay dhawaan ka qabsoonta doorashada madaxweynaha Galmudug.