Wararka
Wasiirka waxbarashada oo kulan la qaatay dhigiisa dalka South Africa.
![](https://www.tusmotv.so/wp-content/uploads/2019/11/75439364_830437130706324_3721136884747862016_n-720x405.jpg)
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddha iyo Tacliinta ee xumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Gooda Barre ayaa maanta kulan laqaatay wasiirka Waxbarashada, Seyniska iyo Tiknoolajiayada ee dalka South Africa.
Labada masuul ayaa kawada hadlay xaajinta xariirka labadal,iskaashiga Horumarinta waxbarashada iyo sida Soomaaliya ugu faa’iideysan karto,waayo-aragnimada dhanka waxbarashada Farsamada iyo tacliinta Sare.
Wasiirka waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in muhiimada koobaad ay tahay kor u qaadista waxbarashada dalka
” Ayadoo aan ku guda jiro kulamada aan la yeelanayo wasiirada waxbarashada ee dalalka aan asxaabta nahay, waxaan maanta lakul may wasiirka Waxbarashada, Seyniska iyho Tiknoolajiayada ee dalka South Africa. Waxa aan ka wada hadalnay sida ay Soomaaliya ugu faa’iideysan karto,waayo-aragnimada dhanka waxbarashada Farsamada iyo tacliinta Sare.