Wararka
Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland oo doortay Hoggaan Cusub.
![](https://www.tusmotv.so/wp-content/uploads/2019/11/75398371_2460811097522208_3529535855347630080_n-780x405.jpg)
Waxaa maanta xarunta Golaha wakiilada Puntland ka qabsoontay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland oo ay soo xaadireen 63 xildhibaan.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland oo gashay laba wareeg ayaa waxaa ugu danbayn tii ku guulasytay Xildhibaan Abwaan Cabdirashiid Yusuf Jibriil oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed 17 Cod sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku xigeen 1-aad ee Golaha wakiillada DPL.
Dhawaan ayay aheed kadib markii codkii kalsoonida lagala laabtay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland c/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Dareed kaas oo isaga tagay Magaalada garowe ee xarunta Puntland.