Wararka
Madaxweyne Lafta-gareen oo kulan la qaatay Mamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Wafdigii uu Hogaaminayey ayaa Kulan laqatay Mamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waxaa uu warbixino ka dhagaystay maamulka waxaa uuna balan qaaday in uu wax ka qaban doona dhamaan cabashooyinka ay u soo gudbiyeen maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sidaan oo kale safar ugu tagay dhowr deegaan oo hoos yimaado maamulka Koonfur galbeed waxaa uuna dhagaysan jiray cabashooyinka iyo waxyaabaha ay tabanayaan in loo qabto waxaa uuna intii uu jogay degmada Waajid uu booqasho ku tagay Garoonka kubadda cagta ee Waajid iyo Suuqa weyn ee Waajid.