Wararka
(AKHRISO): Golaha Aqalka Sare oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta xarunta Aqalka Sare ee Muqdisho ku yeeshay Kulankoodii 11aad ee Kalfadhigaiisa 6aad waxaaana kulanka shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka iyo Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Furdooyinka.
Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Waasarada Maaliyadda ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Waasarada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.
Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.