Wararka
WASIIRU DOWLA YAAL CUSUB OO KA TIRSAN XUKUUMADA PUNTLAND OO LA DHARIYAY.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waraafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa maanta lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Wasiirada, waxaana dhaariyey xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland.
Munaasabada dhaarinta ka dib, ayaa Madaxweyne Deni kula dar-daarmay Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, Isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey inay ka feejignaadaan waxkasta oo hoos u dhac ku keenaya shaqadooda taas oo ay maanta ku dhaarteen.
Ugu dambayn, Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Wasiirada cusub in uu ku asturo shaqadooda, uuna ka yeelo kuwo si daacad ah, sinaan iyo cadaalad ah uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday.