Wararka
(DAAWO): Gudiga Gurmadka Fatahaadaha ee Ganacsatada iyo Culimada oo la magacaabay.

Magaalada Mugdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta shirk u yeeshay qaar kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho iyo culimada Magaalada waxaana kulankaasi shir gudoominayey Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Abdikariin Gabayre.
Ujeedka kulankaan ayaa ahaa sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeelaysay fatahaadaha wabiyada dalka waxaana Kulanka intii uu socday la kala qaatay warbixin iyo macluumaad la xeriirta qasaaraha ka dhashay fatahaadahaasi.
Sidoo kale waxaa la go,aansaday in si deg deg gurmad iyo gargaar loogu diro dadkaa aay fatahaadaha saameeyeen, waxaana halkaa ka bilowdey balanqaadyo lacageed, iyadoo sida la sheegay qorshuhu ahaa in la aruuriyo $1,000,000 ( hal milyan oo dollar).
Ugu danbayntii ayaa waxaa la sameeyay gudi gurmad sameeya kuwaas oo ka kooban Ganacsatada iyo Culimada waxaa ayna sheegeen in ay haddaba gacanta ku hayaan lacag dhan $955,742 ( sagaal boqol konton iyo kun iyo sagaal boqol todobtaana iyo laba dollar).
Haddaba halkaan hoose ka akhriso magacyada Guddigaasi.
- Ahmed Mohamud Yuusuf– Gudoomiye
- Xasan Cabdi Cawad—- ku xigeen
- Sh Bashiir Ahmed Salaad– ku xigeen
4.Abdirahmaan Galaambe—- ku xigeen
- Abdullahi Nur Osman— Operations
- Abdirahmaan Isaaq Ali —Operations
- Maxamed ali Xaashi—- Xubin
8.Yuusuf Sh Maxamed — Xubin
- Sh Yacquub Jimcaale— Xubin
10.C/weli Muuse Maxamed — Xubin
- C/raxmaan Yuusuf Xasan– Xubin
- Axmed Sh Maxamuud Qaadi – — xubin
13.Sh Ali Maxamuud (Sh Ali Wajiis)— Xubin
14.Sh C/qaadir Sh Maxamed (Soomoow)– Xubin
- Xasan Mire——————————- Xubin
16.Sh Aaden Sh Abduule——————- Xubin
- Maxamed Abdi Maxamuud———- Xubin.