Wararka
MADAXWEYNE JUBBALAND OO SHIR GUDOOMIYAY SHIRKA GOLAHA AMNIGA.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.
Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobad Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha Xukuumada ee golaha amniga katirsan Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada.
Sidoo kale intii uu kulanka socday waxaa laisku raacay in Ciidamada AMISOM ay tagaan furimaha hore ee ay ka howlgalaan Ciidamada Jubbaland si ay kaalintoodu u noqoto mid wax ka tarta kaalmada ay u baahan yihiin Ciidamada Jubbaland.