Wararka
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cadiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa Ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe.
Gudoomiyaha iyo Safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta iyo xiriirka labada dal iyada oo Safiirkana uu Gudoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka wadaan.
Dowlada Ingiriiska ayaa ka mid ah dowlada reer Yurub ee gacanta wayn ka gaysto garab istaaga iyo dib u soo kabashada ciidamada qalabka sida iyo arrimaha kaalmada Bani’aadanimada.