Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga oo sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay garab istaaga Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu oo ka hadlay kulanka golaha ISkaashiga Islamka ee (OIC) ayaa sheegay in dowlada Soomaliya ay u baahantahay garab Istaaga Turkiga si ay u xaqiijiso xasiloonida siyaasadeed, dib u dhiska ciidamada amaanka iyo si ay sare ugu qaado dhaqaalaheeda.

Cavusoglu ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo xal u helida nabada Soomaaliya si halkii ay ka joogtay dunida dib loogu soo celiyo.

Wasirka arrimaha dibada Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in loobaahan yahay in door muuqda laga qaato wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland isagoo intaasi ku daray in doorashada la qaban doona 2020 ee la rajaynaayo in ay u dhacdo qof iyo codkiisa ay wax badan ka badali doonta mustaqbalka Soomaaliya.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close