Wararka
Xildhibanno iyo wasiirk ka socda dowlada oo gurmad gaarsiiyay dadkii ay samaysay fatahadaja Webiga Shabeelle.

Qaar kamid ah wafdi isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro kuwaas oo ka socda Dowlada Federalka Soomaliya oo maalmahan danbe ku sugna Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa maanta waxay Gurmad Gaarsiyeen Dadkii Saameynta Xoogan Kaso Gaartay Fataahada Webiga Shabeelle
Dadka Dhibaatada saameysey islamarkana kaso barakacay Beledweyne oo ku sugan duleedka Magaalada Beledweyne ee Ceel-Jaale ayaa Maanta Xildhibaan Samiiro Xassan Cabdulle Iyo Xildhibaanada kale waxay barakacayashan gaarsiyeen kaalmadi ugu weyneyd oo iskugu jira raashiin iyo gaargaar kala duwan.
Waxaa maalmihii danbe socday dadaallo lagu doonaayo in wax loogu qabto dadka tabaalaysan ee ay waxyeelladu kasoo gaartay fatahaadaha Webiga Shabeelle kuwaas oo ku barakacay deegaanada ku heereersan Magaalada Baladweyne.