Wararka
(DAAW): Wafdi ka socda Bangiga Aduunka oo soo gaaray Mugdisho.

Wafdi ka socda Bangiga Aduunka oo uu hogaaminaayo Madaxweyne ku Xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika Hafez Ghanem ayaa booqasho taariikhi ah ku yimid caasimada dalka ee Muqdisho.
Wafdiga ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa soo dhaweeyay wasiirka maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahmaan Dualle Bayle waxaa ayna kadib si wada jir ah xariga ugu jareen Xafiiska Cusub ee Bangiga Aduunka Qeybtiisa Soomaaliya qaabilsan.
Mr Hafez Ghanem iyo wafdigiisu ugu horeyn waxay shir gaar ah la qaateen Masuuliyiinta W.Maaliyadda, kadib waxaan si wada jir ah u xarig-jarnay Xafiiska Cusub ee Bangiga Aduunka Qeybtiisa Soomaaliya qaabilsan.
Intaas kadib ayaa wafdiga waxaa loo gudbiyay xafiisyada madaxweynaha dalka iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka
Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka https://youtu.be/LZQhOOENEMA
Posted by TUSMO TV on Sunday, 3 November 2019