Wararka
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Barawe.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/Asiis Xassan Maxamed Lafta-green iyo wafdi Ballaaran uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Degmada Barawe ee Caasimada Koonfur Galbeed halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray Degmada Barawe waxaa kusoo dhaweeyay maamulka Gobolka Shabeelada Hoose, kan dagmada iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaana ugu horeen bulashada isugu soo baxday soo dhaweynta madaxweynaha la hadlay Guddoomiyaha gobolka Shabellada Hoose Ibrahim Cali Aadan Najax.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo shacabka la hadlay ayaa sheegay in shacabka reer Barawe ay u diyaar garoowaan soo wareejinta caasimada oo hadda si ku meel gaar ah ugu shaqayso Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.