Wararka
Dowlada federaalka oo mishaarka u kordhisay ciidamada Qalabka sida.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa meshiirka u kordhisay ciidamada Qalabka sida sida uu war qoraal ah bartiisa Facebook-ga usoo galiyay wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahmaan Dualle Bayle.
Wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahmaan Dualle Bayle ayaa sheegay in dowlada ay awood u yeelatay kordhinta Dhakhliga dalka sidaasi darteetna ay Miisaaniyadda 2020 mishaar kordhin u sameeyeen ciidamada qalabka sida .
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan awood u yeelannay kordhinta Dhakhliga Dalkeenna, iyada oo Miisaaniyadda 2020 aan Mishaar- kordhin u sameynnay Ciidanka Qalabka sida oo ah kuwa ugu mudan” ayuu yiri Wasiir Bayle.