Wararka
Kim Jong Un oo tacsi u diray dhigiisa dalka Kuuryada Koonfureed.

Hoggaamiyaha dalka Kuuryada Waqooyi Kim Jong Un ayaa tacsi Tiiraanyo leh u diray dhigiisa dalka Kuuryada Koonfureed Moon Jae-in oo ay hooyadiisa geeriyootay.
Hooyada dhashay madaxweynaha dalka Kuuryada Koonfureed Moon Jae-in oo la yirahdo Kang Han-ok ayaa maalinimadii Talaadada ku geeriyootay ku yaalla dhanka koonfureed ee magaalo xaybeedka Busan.
Kang Han-ok ayaa ku geeriyootay iyadoo jirto 92 sano, waxaana dhambaalkaan uu soo diray Hoggaamiyaha dalka Kuuryada Waqooyi ay muujinaysaa isku soo dhawaasha labada dhinac ah sida ay xaqiijisay afhayeenka madaxweynaha Kuuryada Koonfureed marwo Ko Min-jung.