Wararka

(AKHRISO): Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir oo Magacaabay Guddiga gurmadka fatahaadaha.

Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed(Filish) ayaa Magacaabey guddi ka qeyb-qaata gurmadka loo sameynayo dadka ay fatahaadaha ay saameeyeen ee ku nool Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ayaa ka kooban 11-xubnood oo laga soo xulay dhamaantood Maamulka Sare ee Gobolkan Banaadir iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Hadda hoos ka akhriso magacyada 11-xubnood:

1: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)

2: Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahadalle

3: Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Basma Caamir Jakeeti.

4: Xoghayaha guud ee G/Banaadir Cumar C/risaaq Xuseen

5: Agaasimaha xiriirka degmooyinka G/Banaadir Mukhtaar Maxamed Axmed.

6: guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Banaadir Cabdi Kaafu Makaraan

7: Guddoomiyaha Urur Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab

8: Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag Mustaf Cali Kheyre

9: Guddoomiyaha degmada Yaashiid Muuse Geeseey Jimcaale

10: Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed

11: Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close