Wararka
Amb. James Swan oo ka hadlay xaladaha Fatahadaha.

Wakiilka Gaarka ah ee hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan, ayaa ka hadlay xaaladaha fatahaadaha ka dhashay daadadka wabiga Shabeelle gaar ahaan xalada bani’aadannimo ee ka jirta deganada Hiran ee dowlad goboleedka Hershabeelle.
Wakiilka ayaa sheegay in ay hay’adaha Caalamiga diyaar u yihiin taageerada loogu gurmanayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiyada Jubba iyo Shabeelle.
Amb. James Swan ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay in ay Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, kala shaqayso gurmadka loo fidinayo Dadka ku dhibaateysan fatahaadaha.
Ergayga Qaramada Midoobe u jooga Soomaaliya ayaa sidookale sheegay in hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ay diyaarinayso Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo u gogol xaaraya taageeridda dedaallada wax qabadka Bini’aaddannimo ee Magaalada Baladweyne iyo goobaha kale ee ay dhibaatadu ka jirto.
“Waxan aad ugu mahad naqayaa Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya in si ku meel gaar ah loo adeegsado helikobtarrada,si aan Gacan uga geysanno fulinta hawlgallada baadigoobka iyo samata bixinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha”ayuu yiri, Danjire, James Swan.
Ugu danbayntii Amb. Swan ayaa sheegay in Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aaddamnimada iyo hay’adaha samafalka ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta in si deg-deg ah ay ku gaarsiiyaan gurmadka lagu badbaadinayo Dadka dhibaataysan.