Wararka
Golaha Aqalka oo magacaabay Guddi ka qayb gallo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameysay fatahaadda.

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo kulan ku Yeeshay magaalada Muqdisho ayaa aqrinta 1-aad marsiiyay hindise sharciyeedka howlgabnimada, Xaqsiinta iyo hibooyinka Ciidammada Qalabka Sida ee dowlada Soomaaliya.
Wasiirrada gaashaandhigga iyo cadaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya oo kulanka ka qayn galay ayaa xubnaha Aqalka Sare ka hor aqriyay hindise sharciyeedka isla Markaana sharxay muhiimadda uu leeyahay sharcigaan.
Sidoo kale Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka dalka ayaa guddi ka kooban 8 xubnood u magacaabay ka qayb galka gurmadka loo sameynayo dadka ay saameysay fatahaadda wabiyada Jubba iyo Shabelle. guddiga waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha mudane Mowliid Xuseen Guhaad.