Wararka

(DAAWO): Shariif sheikh Axmed oo loo doortay Gudomiyaha Madasha xisbiyada Qaran.

Kulan ay maanta iskuugu yimaadeen Magaalada Mugdisho Qaar kamid ah xisbiyada dalka ayaa waxaa lagu doortay madaxweynihii hore ee dowlada kumeel gaarka  Soomaaliya Shariif sheikh Axmed ahna hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran in uu noqda Gudomiyaha Madasha xisbiyada Qaran.

Gudomiyaha Madasha xisbiyada Qaran ee maanta la doortay Shariif sheikh Axmed ayaa sheegay in aysan muuqan habka doorashada loogali doona. Waxaa uu dowlada ku eedeeyay in aysan caddeeyn nooca doorasha ee laqaban doona.

”Hal qof iyo hal cod Doorasho ah dalka kama dhici karto, marka Amniga la fiiriyo Misekooxaha Wadaniyiinta ayaa Kudooranaya anaguna Marqaati ayaan kuu Noqonaynaa, Ma aqbalayno”. Ayuu yiri Shariif sheikh Axmed.

Gudomiyaha ayaa sheegay in dowlada ay kula talin lahaayeen in ay caddeeyaan nooca doorasha ee dalka ka dhici doonta.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close