Wararka
DEG DEG: WEERAR DAD LAGU DILAY OO KA DHACAY DALKA MARAYKANKA.

Guri kuyallo xaybta Long Beach ee gobolka California ee cariga dalka Maraykanka ayaa waxaa ka dhacay weerar si wadareed ah loogu laayay dad halkaasi ku qabay qaflad.
Afhayeen u hadashay ciidamada Booliska xaybta Long Beach ee gobolka California Karen Owens told ayaa warbaahinta CNN u xaqiijisay in weerarkaasi ay ku dhinteen ilaa Seddex ruux sidoo kalena ay ku dhaawacmeyn sagaal ruux kuwaas oo la geeyay ISbitaal goobtaasi ka dhawaa.
Afhayeen ayaa sidoo kale sheegtay in dhaawaca qaar ay yihiin kuwa halis ah oo ay suurta gal tahay in dhimashada sii korarta.
Dalka Maraykanka ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxaa kusoo kordhaayo weerarada wadareedka ah ee ka dhaco meelaha dadka badan iskuugu yimaadaan.