Wararka
Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo kulan la qaatay Guddoomiyaha degmada Warta-.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa Magaalada Mugdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha degmada Warta-Nabada Seynab Maxamud Warsame (Xaabzey) oo kamid aheed guddoomiyayaashi ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhaxay xarunta dowlada Hoose ee Xamar.
Guddoomiya Gobolka Banadir ayaa guddoomiyaha degmada Warta-Nabada Seynab Maxamud Warsame (Xaabzey) ku amaanay Doorkii ay ka qaadatay difaaca karaamada iyo qarannimada umada Soomaaliyeed waa sida uu ku qoray Bartiisa Facebook-ga.
“ofkaste oo muwaadin ah ayey waajib ku tahay inuu naftiisa, xoogiisa iyo hantidiisaba u huro dalkiisa iyo dad kiisa, waxaana ku amaanaya guddoomiyaha degmada Warta-Nabada Seynab Maxamud Warsame (Xaabzey) doorka lama ilaabanka ah oo ay ka qaadatay difaaca karaamada iyo qarannimada umada Soomaaliyeed”. ayuu Yiri Guddoomiye Cumar Maxamuud.