Wararka
Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku marti qaaday Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo maalmahii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay Jubbaland.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay shaqada gudigan iyo waxyaabahii uga qabsoomay howlaha shaqo ee ay Jubbaland u yimaadeen. Sidoo kalea waxaa kulanka looga hadlay sidii talooyinka iyo aragtiyada ay Guddigan uruurinayaan ay u noqon lahayd mid ka turjumaysa rabitaanka dadka Soomaaliyeed.
Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Kismayo waxaa ay kulamo la qaateen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland, Golaha Wasiirada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyagoo kulankii ugu danbeeyay ay maanta la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.