Wararka
Ciidamada Booliiska oo Is-hor istaag kusameeyay Baabur ay saarnaayeen ciidanka AMISOM oo jiiray Mooto Bajaaj.

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee kusugan Magaalada Muqdisho ayaa is hor istaag ku sameeyey Kolanyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho ku jiiray Mooto Bajaaj sida ay inoo sheegeen Dad goob joogiyaal ah.
Ciidamada dhibaatada geystay ayaa isku deyey in ay goobta ka baxsadaan Balse booliska muqdisho ayaa arinkaa ka diiday waxaana ay is hor taageen ciidamadii ka tirsanaa AMISOM ee mootada ku jiiray Muqdisho.
Inta badan ciidamada AMISOM ayaa xeliyada ay marayaan wadooyinka muqdisho sameeya dhibaatooyin ay u geysanayaa muwaadaniinta soomaaliyeed, iyagoo sidaan oo kale horey muqdisho iyo nawaxigeeda gawari uga jiirsiiyey dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Ilaa haatan dhanka AMISOM kama soo bixin wax jawaab ah oo ay kaga hadlayaa shilkaan ay maanta ka geysteen Muqdisho.