Wararka
Faahfaahin ku saabsan masuuliyiin ay dooni kula dagtay Magaalada Baladweyne.

Iyadoo ay socota fatahaada aad u daran, ayaa maanta waxaa quustay dooni ay saarnaayeen dad badan oo ay ku jiraan masuuliyiin katirsan maamulka dowlad goboleedka Hershabelle inkastoo hadda la xaqiijiyay in lasoo badbaadiyay duqa magaalada Baladweyne Safiyo Xasan Cali Jimcaale iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.
Dhinaca kale Ciidanka Hiil Walaal Jabuuti ee ka tirsan howlgalka Amisom ayaa sheegay in diyaaradaha Qumaatiga u kaca ay uga qeyb-qaadanayaan gurmadka ka socda Baladweyne xilli ay sii kordheyso Fatahaadda Webiga Shabeelle.
Ilaa iyo hadda waxaa baadi goobkooda la’wadaa masuuliyiin ka tirsan dowlada Hershabelle iyo dadkale oo shacab ah kuwaas oo kamid ahaa dadka ay doonida la’dagtay.