Wararka
DEG DEG: QARAX KA DHACAY CAASIMADA MUGDISHO.

Laba kamid ah shaqaalaha nadaafada dowlada hoose ee Xamar ayaa ku dhintay, Mid kalana wuu ku dhaawacmay, ka dib markii uu haleelay qarax la galiyay qashin ay ka qaadayeen wadada Maka Al Mukarama.
Labadada ruux ee dhimatay ayaa ahaa dhalinyaro ka shaqaynaysay gariga qasahinka ka qaada wadada, ee subaxa hore laga nadiifiyo jidadkaka magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa noo xaqiijiyay in labada ruux ay ku naf baxeen goobta qaraxu ka dhacay, iydoo qofka dhaawacmay oo ahaa darawalkii gaariga loo qaaday isbitaalada Muqdisho.