Wararka
Dowlada Maraykanka oo sheegtay in uu Isdilay Hogaamiyihii Daacish Abu Bakr al-Baghdad.

Saraakil ka tirsan ciidamada Maraykanka ee howlgalka ka wado dalka Suuriya ayaa xaqiijiyay in dowlada Maraykanka ay duqeyn Militiri ku dhishay, Hogaamiyaha kooxda Isku magacaawday dowlada Islaamka ee IS IS Abu Bakr al-Baghdad.
Sargaalka ayaa sheegay in kadib markii ay ciidamadooda howgal ku qaadeen gobolka Idlib ee Waqooyiga Suuriya uu isdilay Abu Bakr al-Baghdad, Hogaamiyihii Daacish.
Goordhaw ayaa la filaayaa in madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu la hadlo warbaahinta, kulan uu si rasmi ah ugu shaacinaayo geerida Hogaamiyaha kooxda Isku magacaawday dowlada Islaamka ee IS IS.