Wararka
Wasiirka gaashaandhiga oo soo dhaweeyay guddi sare oo ka socday Qaramada Midoobe.

Wasiirka gaashaandhiga xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amardambe) ayaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde kusoo dhaweeyay wafdi ay hoggaaminayso Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta iyo isku dhacyada hubaysan Virginia Gamba.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amardambe) oo soo dhoweynta wafdigaasi ka dib la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixyay ujeedka imaatinka wafdigan iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Wafdigaan oo dalka joogi doona muddo laba maalin ah ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Muqdisho waxaa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta ugu sarayso dowlada federaalka Soomaaliya iyagoo kala hadli doona waxyaabihii ay dalka u yimaadeen.