Wararka
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hershabelle oo magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hershabelle Dr. Mohamed Abdi Waare ayaa maanta magacaabay guddi ka kooband 13-wasiir iyo guddoomiyaasha gobolada Hiiraan iyo Sh.dhexe.
Guddigaan ayaa garab gali doona Guddi uu shalay magacaabay ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya kadib roobab fatahaado wato oo ka da’ay qaybo kamid ah gobolada dalka.
Madaxweynaha Hershabeelle ayaa guddiga faray in ay si dhaqsiya leh u qabtaan shaqada loo igmaday ayna garab galan guddiga uu magacaabay ra’iisal wasaaraha dalka.