Wararka
Wasiirka amniga oo furay shirka isku xirka hay’addaha socdaalka.

Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya,kaas oo Saddexdii biloodba mar la qabto.
Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Laamaha Hay’addaha socdaalka ee Gobalada, Saraakiisha xarunta dhexe ka howlgala iyo Hay’addaha wada shaqeynta la leh Hay’adda socdaalka oo ay ka mid yihiin Booliska, Gobolka Banaadir iyo Qaar ka mid ah Wasaaradaha.
Inta uu socda kulankaan ayaa waxaa looga hadli doonaa wada-shaqeynta Laamaha kala duwan ee Socdaalka dalka.