Wararka

(daawo):Ra’iisul Wasaaraha dalka oo soo xiray kulankii agaasimayaasha dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah…

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shirka agaasimayaasha guud ee wasaarahada heer federaalka iyo heer dowlad gobaleed oo Muqdisho ka socday intii u dhexeysay Aktoobar 22-26, 2019.

Shirka oo ahaa kii ugu horreeyay ee agaasimayaasha guud isugu yimaadaan ayaa dib loogu eegay guulihii ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah iyo caqabadihii lala kulmay intii lagu guda jiray dhaqan gelinta ajandayaasha iyo qorshe howleedka dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay agaasimayaasha guud shaqada ballaaran ee ay qabteen maalmihii ay u fadhiyeen shirka ay dib ugu eegayeen wixii qabsoomay, ugana tashanayeen qorshayaasha wasaaraha ee hor-tebinta leh, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda horumarinta qaranka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close