Wararka
Madaxweynaha Puntland oo Khudbad ka jeediyay Furitaanka kal-fadhiga 45aad ee Golaha wakiilada Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta si rasmi ah u furay kal-fadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada dowlad goboleedkaasi Puntland ayaa fadhiga ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanayso.
Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa khudbadiisa ugu hadlay arrima ay kamid yihiin; Siyaasadda, Safaradii Debedda iyo Guddaha uu gu maray muddadii ay xukuumadiisa jirtay.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay Waxqabadka Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dowladda ee arrimaha Guddaha iyo Amniga, Maaliyadda & Horumarinta Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshadda iyo Arrimaha Tayeynta Adeegyadda & Horumarinta Kaabayaasha.
Madaxweynaha ayaa markii uu khudbadiisa bogay waxaa suallo waydiiyay khaar kamid ah Golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland kuwaas oo sheegay in xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne Deni ay fashil ku timid waa sida ay hadalka u dhigeene sidaasi darteetna ka dalbaday in uu Iscasilo isaga iyo golahiisa wasiiradda.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhankiisa difaacay golahiisa wasiiradda waxaa uuna sheegay in intii uu joogay xafiiska ay dhamaan wasaaraddaha ay xaruma ka furteen qaar kamid ah deeganada Puntland ayna hadda tahay Puntland mid wadadii horumarka cagta ku hayso.