Wararka
Dalalka Brazil iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiisyo horumarineed.

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa ka qayb galay munaasabad ay mashaaric kala duwan ku kala saxiixanaayeen wasiiradda arrimaha dibadda labada dal ee Shinaha iyo Brazil waxaana kulankaasi ku wehlinaayay dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping.
Intii uu kulankaasi socday ayaa wasiiradda arrimaha dibadda ee labadha dhinac Wang Yi iyo Ernesto Araujo ay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahaa wadashaqaynta diblumaasiyadeed iyo wadashaqaynta xagga waxbarashada.
Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro, ayaa dalka Shiinaha ku jooga booqasha rasmi ah oo seddex maalin ah, inta uu halkaasi kusuganyahayna waxaa uu kulamo dheeraad ah la qaadan doonaa dhigiisa Shiinaha Xi Jinping.