Wararka

Agaasime ku xigeenka hay’adda socdaalka oo shahaadooyin guddoonsiiyay Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya ayaa tababar soconayay Saddex Cisho loogu soo geba-gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay sidoo kale ka qeyb galen Saraakiil ka socota laamaha ay hay’addu ku leedahay Gobollada Dalka ayaa waxaa lagu baranayay Casharro ku saabsan Isticmaalka qalabka iyo hababka casriga ah ee loogu adeegsado howlaha socdaalka.

Agaasime ku xigeenka hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaaji Bashiir, ayaa uga horeyn uga mahadceliyay hay’adda socdaalka Adduunka (IOM), oo soo qaban qaabisay tababarkan.

Cabdullaahi Xaaji, ayaa ugu dambayn waxa uu Shahaadooyin guddoonsiiyay Saraakiisha tababarkan loo soo xiray, wuxuuna kula dardaarmay  in aqoonta kororsadeen ay ku dabbaqaan shaqooyinka ay ka hayaan xarumaha hay’adda ee ay ka kala yimaadeen.

Agaasime ku xigeenka hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ka qeybgalayaasha  faray in cilmigii ay halkan ka korodhsadeen ay uga faa’ideeyaan Saraakiisha ay xarumahooda kaga yimaaddeen ee aan  tababarkan nasiibka u yeelan.

    

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close