Wararka
Wasiirada Cusub ee uu Madaxweyne Deni magacaabay oo maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey.

Maxkamadda Sare ee dowlad goboledka Puntland ayaa maanta dhaarisay Wasiiru Dowlayaasha iyo Wasiir ku-xigeenada uu dhawaantaan magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni
Munaasabada dhaarinta oo ka dhacday qasriga madaxtooyada Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynada dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay kasoo baxaan masuuliyadda loo’igmaday ee ay ku dhaarteen inay si daacadnimoleh oo ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diintu ugu adeegaan shacabkooda, waxaana uu Alle “SWC” uga baryey inuu u fududeeyo waajibaadkooda shaqo.