Wararka
Dowlada Soomaaliya oo dalka Masar kaga qayb gashay shirka Ururka Islaamka.

Wafdi kasocda dowlada federaalka Soomaaliya oo uu hoggaamiyaano Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Libaax Ibrahim oo kusugan dalka Masar ayaa Magaalada Qaahira kaga qayb galay shirka Ururka Islaamka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ayaa kulamo hareer socda shirka la qaatay wasiiradda dhiggiisa ah ee ka qeyb galay shirka, isagoo kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa dhibaatooyinka xagga Biyaha ah ee ka taagan qaar ka mid ah Dunida Islaamka.
Sidoo kale Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka Todobaadka Biyaha Masar oo Khamiista Maanta ah lagu soo gebagabayn doono Magaalada Qaahira, iyadoo lagu wado in uu halkaasi ka jeediyo Khudbad ku aaddan habka uu Dalkeennu ugu faa’iideysan karo Kheyraadka Biyaha.
Wasiiradda Biyaha ee Dowladaha ku midoobay Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa Sanadkiiba ka arrinsada Biyo yarida ka jirta Waddamada ka tirsan Ururkan.