Wararka
Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay dhigiisa Ruushka.

Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin,kadib soo dhowaynta Madaxweynaha Ruushka u sameeyay madaxda Afrika ka socota, ee ka qayb galaayo shirka Madasha Iskaashiga ee Afrika iyo Ruushka ee ka socda magaalada Sochi ee Rushka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xalay ka qeyb galay Casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Ruushka dhammaan Madaxda ka qayb gashay shirka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.
Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu ka cafiyay qaaradda Afrika deyntii uu ku lahaa, tan oo jid cusub u fureysa xiriir qoto dheer oo iskaashi uu Ruushka la yeesho Qaaradda dihin ee Afrika.