Wararka
Maxkamadda sare ee Puntland oo go’aamisay in la dhaqan-geliyo xukunkii saddexdii xukmane ee lagu helay Kiiskii Caa’isha.

Maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Puntland ayaa go’aamisay in la dhaqan-geliyo xukunkii dilka ahaa ee ku dhacay saddexdii xukmane ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo aheyd gabadh aad u da’yar taas oo loo gaystay kufsi iyo dil.
Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa shaaciyay go’aanka maxkamada eek u aadan dib u eegis ay dalbadeen qareenadii difaacayay saddexdii nin ee dilka loogu xukumay kiiskii kufsigii iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan.
Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in dib u eegista la dalbaday aysan ahayn mid sharciga waafaqsan oo buuxisay sharuudihii loo baahnaa.
Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inuu dhaqan galay xukunkii dilka ahaa ee maxkamaduhu rideen islamarkaana lagu fulin doono dambiilayaasha, waxaana aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aadan uu farta ka saaray go’aankii maxkamada kasoo baxay.
Aabaha dhalay Caa’isha oo saxaafada la hadlay ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamada, wuxuuna sheegay inuu qisaasanayo ragga gabadhiisa dilay.