Wararka

(DAAWO): WASIIRKA MAALIYADA DALKA OO SHEEGAY IN AY MAXKAMAD LA TIIGSAN DOONAAN DADKA SHEEGA IN DALKA MUSUQ KA JIRO.

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 2aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa; Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka iyo Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha ka hor akhriyay Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka. Wasiirka ayaa marka hore si faahfaahsan uga hadlay halka ay marayso hanaanka deyn cafinta Dalka Soomaaliya asigoo sheegay deynta Dalka lagu leeyahay in ay gaarayso 5 billion oo doolarka, deymahaas oo laqaatay inta u dhaxeysa 1965-1988.

Gudoomiye Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kuwareejiyay Hindise Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Dalka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibkooda uga aadan sidoo kale Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa dib udhigay ajedaha 2 aad ee Kulanka.

Wasiirka ayaa si kulul ugu hadlay dadka sheega in dalka uu ka jiro musuq-maasuq waxaa uuna hoosta ka xariqay in ay maxkamad la tiigsan doonaan dadkaas.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close