Wararka
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay edeyn uu soo jediyay Xisbiga Waddani oo la xeriiray Qabsoomidda Doorashooyinka.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Warsame Jaamac oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa eedaha uu soo jeediyey guddoomiyaha xisbiga waddani ee la xeriiray Qabsoomidda Doorashooyinka ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn, saga oo ku eedeeyey guddoomiyaha WADDANI inuu shuruucda xulista xubnaha Komishanka doorashooyinka iska indho tirayo,
“Nuxurka hadalkii guddoomiye Cirro waxa uu daarranaa ka-maagis uu guddoomiyuhu ka maagayo in dalka ay doorasho ka qabsoonto iyo in doorashooyinku ay socdaan, marka koowaad sharciga iyo arrimaha doorashada ayuu aad ugu dheeraaday, dooddiisa doorashaduna waxa ay ahayd mid aad u jaban, sababtoo ah xeerka doorashada Xeer No/20/2001, qodobkiisa 13-aad waxa uu si cad u qeexayaa shuruudaha iyo waddada loo marayo xulista xubnaha Komishanka, guddoomiyuhuna wuu yaqaannaa, laakiin wuu iska indho tirayaa.” Ayuu yiri Warsame Jaamac.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha maamulka Soomaaliland iyo xukuumadiisa ay diyaar u tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigoodii oo aanay baaqannin,“Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ka go’an oo ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu taagan tahay in doorashadii xilligeedii lagu galo oo ay inoo dhacdo oo ay qabsoonto oo aanay inaga baaqan,” ayuu yiri Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac.